Somalia

Warbixinta Xaaladda

Warbixino kooban

  • Inka badan 10,000 qof ayaa la soo wariyay in ay saameeyeen daadadka degmada Marka ee Koonfur Galbeed, kadib markii labo jeer u jabsaday wabiga1 bishii Agoosto
  • Dowladda aya ku dhawaaqday talaabooyin lagu xagakameyn karo xanuunka COVID-19
  • Culeesyo xagga gaarsiinta adeegyada gargaarka ayaa weli ka jira Soomaaliya
  • Xarunta ka falcelinta deg deg ayaa $15 milyan u qoondeesay tageerida Soomaaliya 18 bilood oo soo socda
  • Walaac ka jira kiisaska shuban biyoodka
key image
Fatahaad Wadooyinka Afgooye, Koon Galbeed Sawirt : OCHA

URL:

La dejiyay:

Somalia

Warbixinta Xaaladda

Nambarada muhiimka ah

4.1m
# dadka cunto u baahan
1.3m
dadka ku jira xaaladaha degdegga (3 iyo 4)
2.8m
# dadka ku jira xaalad adag
1.0m
# caruurta la qiyaasayo nafaqo darro heyso
2.6m
# Barkaca gudaha

URL:

La dejiyay:

Somalia

Warbixinta Xaaladda

Deeqaha

$1.1B
La rabo
$892.8M
La helay
83%
Horumar
FTS

URL:

La dejiyay:

Xiriirada

Tareq Talahma

Head of office

Erich Opolot Ogoso

Head of Public Information

Ogoso, Erich Opolot

Head of Communications

Somalia

Warbixinta Xaaladda
Warbixin dheer
Qariirada  Somaliya tusinaysa goobaha  Fatahaadu dhawaa saamayeen. OCHA

Kumanan ayaa ka barakacay fatahaadaha wabiyada ee Koonfurta Soomaaliya

Fatahaadaha wabiyada ayaa ka barakacay dad farabadan, iyadoo uu burburyay dhulbeerad koonfurta Soomaaliya. 1 bishii Agoosto ayaa warbixin eey soo saaran hay’adaha lagu sheegay in kabdan 10,000 qof eey saameen ku yeelatahay fatahaadaha labad wabiga gaar ahaan Janaale, Marko ee Shabeelle hoose. Waxaa burbur xoogan soo gaaray guryaha iyo dhulbeeradka. 6,000 qof ayaa barakac ka sameeyay kaamamka barakacayaasha ee kale ahaa Buufow,Bacaad, Gandawe, Shalanbood iyo KM50  ee Magaalada Marko. Warbixino dheerad ayaa sheegay in ilaa 27,000 qoysas barakacayaal oo ku sugan kaamka Alyasir ee ku yaalo agaarka KM50 ayaa ka jirto qatar badan gaar ahaan hoyga.

Waxaa jirto astaamo muujinayo in hoos u dhacay roobabka gobolka shabeelle dhexe, taaso muujineso in uu yaraaday qatarta fatahaadaha. Magaalada Baladweyne ee Hirshabelle ayaa laga soo tabiyay in 2 bishii Agoosto uu yaraaday daadadka iyo fatahaadaha. Dad lagu qiyaasa 800 barakacayaal ee ka imaaday degmada Afgooye ayaa soo gaaray degmada Kaxda ee gobolka Banadir tocobadkii ugu danbeeyay bishii Luuliyo.degmooyinka Afgooye iyo Wanla Weyne ee gobolka Shabeelle hoose ayaa ah goobaha aad u sameeyay waxaa la qiyaas ilaa 70,000 qof in eey saameeyen laga soo bilaabo 5 bishii Luuliyo halka eey ku barakaceen ilaa 42,000 qof. Fatahaadaha ayaa burburiyay guryaha iyo hanti kale oo badan oo kamid tahay dhulbeerad. Qeebo badan oo kamid ah  bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya  ayaa ka socda robabka xagaa kasoo aad ugu xoog badan sannadkii la soo dhaafay iyadoo heerkulka oo hoos u dhacay. Guud ahaan in ka badan 191,800 qof ayuu saameeyay fatahadaaha iyo roobabka inta u dhaxeesay bilihii Maajo iyo Luuliyo ee Hirshabelle, Koonfurgalbeed iyo Jubaland. 147,579 oo hektar oo dhulbereed ah oo ku kale yaale ilaa 100 xafadood ee degmooyinka Jowhar, Balcad iyo Mahadaay. Sikasta ha ahaate 4 qof  oo barakcayaal ayaa ku dhimatahay daadadka roobabka halka boqolal qof eey waayen guryahooda.

Fatahaadaha ayaa sii kordhinaayo qatarta saddax xagalka ah

Fatahaado, COVID-19 iyo Ayax ayaa si ween u badalay xaaladda guud ee Soomaaliya. Laga soo bilaabo bishii Abriil, markii eey soo ifbaxeen qatarta saddax xagaleeda ayaa si ween wax sameen ku yeeshay qoysaska danta yarta ah iyo kuwa barakcayaasha. Taas natiijada ayaa noqotahay in ugu yaraan 3.5 milyan qof la saadaalinayo in xalaadado deg deg eey ku jiraan  gaar ahaan cuno yari(IPC Phase 3) laga soo bilaabo bishii Juun ilaa Sebtember hal milyan caruur ayaa la saadalinaa in eey ahaan doonan nafaqo yari. 2.6 milyan qof ayaa barakac sii ahaan doono halka 1 milyan caruur eeysan iskuulo aadin sabab la xiriir COVID-19 taaso la xiray iskuulada. Sidaasi si la mid Ayax ayaa ah qatar  dhibaato ku heeso Soomaaliya wax uu cunay iyo waxyeelo u geestay kumanan qoys iyo dhulbeerad oo ku kale yaalo Somaliland, Puntland iyo Galmudug.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka falceliyay qatarta sadax xagalka ah. Dowladda  iyo Hay’adaha ayaa fidiyay caawinaad gargaar lakiin wali waxaa jiro nusqaan sida nadaafada, cunada iyo hoyga iyo agabyada kale ee guryaha loo isticmaalo.maamulka iyo hay’adaha ayaa dib udajin u sameeyay qoysaska eey waxyeelada soo gaartay ee  degmada marko.kooxa ayaaa qeebiyay cuno hal bil lacuna ilaa 2,000 qoys oo ku kale nool degmooyinka Afgooye iyo Wanla weyne. Kooxda fayadhoorka ayaa bixiyay ilaa agabyada nadaafada ilaa 2,000 qoys sidoo kale booyado biyo ilaa 700 qoys. WHO ayaa geeyay goobaha ee saameyeen dhibatooyinka shaqaalo caafimad si caawinaad loo gaarsiiyo dadka dhibaatad heesato. Waxaa intaasi dheer in degmada Wanla weyne eey u baahan tahay gargaarka sida looga falceliyya degmada Afgooye.

Kiisaska COVID-19 ayaa gaaray ilaa 3,200, hay’adaha ayaa  kor u qaaday in la kordhiyo baaritaanka iyo daweenta cudurka. Qatarta isgaarsiinta iyo xiriirta bulshada ayaa gaaray ilaa 10.9 milyan qof. Ka falcelinta qatarta Ayax ayaa lamid. Hay’adaha beeraha iyo xoolaha ee FAO maamulka gobolka ayaa buufiyya  ugu yaraan 31,086 hektaro oo beero ah oo ku yaalo Somaliland, Puntland iyo Galmudug si loo ilaaliyo 62,100 tan oo cuno. Guud ahaan 279 hay’adaha gargaarka ayaa ka fulliyya barnaamijkan 18 gobolk ee Soomaaliya. Bishii Meey, 2.3 milyan qof ayaa soo gaartay gargaarka cuno ilaa saddax bil, halka 1.8 milyan la gaarsiiyay bishii Juun.

URL:

La dejiyay:

Somalia

Warbixinta Xaaladda
Warbixin dheer
Article 2
Mid ka ah fariimaha wacyagelinta COVID-19 -Xigasho: UN

Dowladda aya ku dhawaaqday talaabooyin lagu xagakameyn karo xanuunka COVID-19

Shantan kiis waxaa ka mid ah shaqaalo katirsan waaxda ganacsiga ee qaramada midoooway, bukaanku wuxuu kujiray karaantill mudo 8 bari ah kadib markii uu ka yimid dibada. Ilaa goortii lagu dhawaaqay kiiski ugu horeeyay 16da Marso, Somaalia waxey isu keentay kooxa ka shaqeeysa arimaha la xariira xuuunka COVID-19 waxaana tawabar la siiyay shaqaalaha caafimaad si ey isugu diyaariyaan, kafalcelinta in xakameynta xanuunka. Shaqaalaha caafimmad ayaa laga hool galiyay 23da meelood ee dalkan laga soo galo ay kamid yihiin, afar garoon diyaaradood oo calami ah ee Mogadishu, Garoowe, Bossaso iyo Hargeisa.

Xuduudada dalalka dariska ah ee Itoobia iyo Kiinya ayaa la xariya, xayiraad ayaa ku timid isku socodka dadka kunool Dooloow ee gololdka Gedo Somalia, Dollo Ado ee Itoobia iyo Mandheeraa kutaalo Kiinya. Xanibaad ayaa sameyn ku leh dadka mardhaw barakiciyeen rabshadii ka dhacay Gedo. Waxa kaloo saameyn loo gaysan 300,000 oo qof kuwasoo ka faaideysanayay baranmijka fursadaha dib u kabacashada ee la siiyay dadka xuduudada ka dhaxeeyo ee geeska Afrika (BORESHA)- Barnaamijkan waxaa laga fulinayay Doolow Somaalia, Dollo Ado Itoobia iyo Mandheera Kiinya.

25ta Maarso, dowladda waxey ay heshay agabka lagu baaro cudurka, iyo waxyaaba looga hortago, taageradan ayaa katimid maal qabeynka, iyo ninka mulkiilaha shirkada Alibaba Jack Ma. 20,000 agabka wax lagu baaro, 100,000 maskaraatada wajiga, iyo 1,000 dharka laisaga ilaaliyo cudurka, dowladdana waxey la wadaagtay deeqdan maamul goboleedyada oo dhan.

Howlgalada Bini’aadamnimo ayaa sii soconayo iyadoo ay jirta dhibta COVID-19

Xanuunkan COVID-19, kooxaha samafalka waxey hergeliyeen habka shaqada u socon laheyd sidi horay loo qorsheeyay. Hadeey suurta gasho waxaa la badali doonaa habka barnaamijyada loo qabto iyo qaabka mudnaanta, balse waxaa walaac kajira sida loo suubinayo howlgalada bini’aadamnimo iyo xanibaada iso socodka ayaa saameyn ku lahaan doonto keenida waxyaabaha muhiimka ah ee laga helo suuqyada caalamiga. Barnaamijka lacagaha ayaa la saameyndoonaa hadii suuqyada ganacsiga aysan haynin waxyaabaha dadka u baahanyihiin. Duulimaadyada qaada xamuulka ayaa ka caga jiiday dhoofinta xamuulka kadib markii la xanibay duulimaadyada. Duulimaad shaqaalaha ee Qaramada midowahy (UNHAS iyo UNSOS) ayaa la joojiyay, tani waxey yareyneysaa isku socodka shaqaalaha samafalka iyo kuwa shaqsiyaad ay dalkan.  Shaqaalaha inta badan waxey kasoo shaqeeyaan guryahooda.

Xaalada hada lagu jiro ay xanuunka COVID-19, waxaa muhiim ah in la joojiya faafida caabuqa, ka hortagida iyo xakamaynta. Waxaa jira dadaalo sarra loogu qaadayo ilaalinta, ka falcelinta degdegga ah, iyo baaritaanka si dhaqso loo ogaado, daaweynta iyo raadinta kiisaska laga shaki qaba. Si guul loo gaaro, haayadaha samafalka iyagoo la shaqeeynayo maamulka dowladda waxaa tawabar loo furay shaqaalaha caafimaadka, la dhisay goobaha karaantiilka, shaqaalaha caafimaadka ayaa lageeyay goobaha dalka laga soo galo, nadaafadana shaqo badan ayaa laga qabtay. Waxaa la qorshaynayaa in mudo laba bilood ah cunno la qeybin doona hadii xaaladu sidaan ka xumaato. Waxaa loo baahan doona sahay dheeraad ah si loo howlgaliyo falcelinta muhimka ah.

URL:

La dejiyay:

Somalia

Warbixinta Xaaladda
Jawaabaha xaaladaha deg deg ah
Article 3
Roobabka waxaa laga suuragal ah iney sababaan daadad. Sawirka: OCHA

Roobabka Gu’ a (Abriil-Juun) ayaa si caadi ah u bilaawday hadana si xoog ah u kordhayay

Gu’a sannadka 2020 (Abriil-Juun) ayaa ka bilaawday Somaalia si caadi ah kadibna sii xoogsanayay roobab xoog leh ayaa ku da’ay gobolada Waqoooyiga iyo koonfurta oo heshay roobab caadi ah. 27da Maarso, roobabka waxey u da’eyn Sida ey u saadaalisay haayadda FAO- Biyaha iyo maaraynta warbixinta dhulka ay Somaalia (SWALIM), Qeyb kamid ah Somaali-land ayaa heshay roobab aad u xoogan oo 102 mm 26da Maarso iyadoo Hargeisa ay heshay 61 mm iyo Gabiley na 40 mm. Gobalada Koonfurta aya iyagana helay roobab fiican gaarayo 20-50 mm labadii bari ee lasoo dhaafay. Roobab ayaa la filayaa in ay yaraadaan ilaa si fiican uu Gu’a bilaawday bisha Apriil dhaxdeeda. Qeyba kamid ah Punti-land ayaa helay roobab fiican iyadoo koobaha lagu fiirinayo roob eey diwaangaliyeen roobab sii kordhayay oo gaarayay 20 ila   50 mm saddex bari ee lasoo dhaafay.

Waaxda mareynta arimaha bini’aadamnimo iyo masiibooyinka (HADMA) ay Puntland ayaa soo warisay in duufaano dumiyeen ilaa 10 guri ay tuulada Shaaxda ku dhaw Qardho; fatahaad ayaa iyagana xiray wadada isku xirta Garoowe iyo Bossaaso si kumeel gaar ah, maamulka Qandala ayaa sheegay in xoolana la laayay. 

Baidoa, Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed, haayadaha samafalka waxey ka walaacayaan xaalada barkacayaasha tasoo laga yaabaa in xumaato xilyada roobka Gu’a. Kooxda iskaashiga u qaabilsan hooyga ayaa soo waramayo in kabadan boqolkiiba 80 barakacayaasha ku noolyihiin hooy xun, iyo hooyga dedeg ah ee barakacayaasha lasiiya laba sanno kahor in ey dhamadeyn. Waxa jira 483 meelood oo barakacayaasha deganyihiin Baidoa tiradoodana dhantahay 55,000 qoys. 

Roobabka waxey keenayaan faa’dooyin iyo dhibaatooyin

Roobabka Gu’ ayaa la filayaa in keenaan shuban-biyood aad u xun iyo daacuun, nadaadafa iyo fayadhoorka ayaa aad u xun iyo adeeg caafimaad oo aanan dalka ku filnayn. Ugu yaraan1,505 oo kiisas ayaa laga soo qiyaas ahaan 8,000 oo qof laga barakiciyay guryahooda una cararayn Marka, Afgooye, Shalaanbood iyo Mogadishu Kooxaha iskaashata bini’aadamnimo ayaa sara u qaaday falcelintooda si ay u xakamayaa faafida daacuunka waxay u istaagayn in ay isu diyaariyaan goobaha qatarta ah.

Roobabkii oo sii badinayo, anyax cusub ayaa la filayaa in ay dhashaan, iyo kuwooda yaryar ayaa waynaan doona. Hadda, Somaalia waxaa culeys wayn ku haya weerarka anyax abaareedka- weerarkii ugu xumaa ay dhaca 25ta sanna ee lasoo dhaafay. 2da Febraayo, dowladda waxa ey ku dhawaaqday xaalad degdeg ah ka dhan weerar anyaxa. 27da Febraayo, Dowladda Fedaraalka iyo haayadda FAO ayaa soo sii daayay ‘’Qorshaha dalka ay ka falcelinta dhibaatada anyax abaareedka’’Qorshahan ayaa u baahan $32.2 malyan si shaqooyinka loo qabto ilaa Luuliyo.

Inta badan roobabka sannadka ay ka da’a Somaalia waxa ugu badan kan xiliga Gu’a. Iyadoo ay dhici karta fatahaad, hadana roobabka caadiga ah waxay sarra u qaadayaan wax soo saarka beeraha waxeyna kordhinayaa daaqa xoolaha iyo goobaha biyaha laga helo ee dalkan Somaalia. Xiligan ayaa imanayo iyadoo roobabkii xooganaa ay Octoobar-Diseembar lafilayo in horay usii wadaan dib usoo kabashada xoola dhaqata kuwasoo horay u saamayeen abaara xun, iyo anyaxa oo ita badan kheyraadka cunnay. Beeraaley kunool meela badan oo dalkan ayaa bilaaway beera falashada iyo abuurka beeraha.

URL:

La dejiyay:

Somalia

Warbixinta Xaaladda
Helitaanka

Kumanaan qof ayaa ku barakacay gudaha Shabeelada hoose

Taageero dheeraad ah ayaa loo baahanyahay in lala gaaro qoysaska ka barakacay gobolka Shabellada hoose. Degaaladii dhawaa ee kadhacay Janaale, gobolka shabeelada hoose, ayaa saameeyay dad tiradooda ka badantahay 20,000 oo qof iyo qiyaas ahaan 8,000 oo qof laga barakiciyay guryahooda una cararayn Marka, Afgooye, Shalaanbood iyo Mogadishu. Sida ay noo sheegayn maamulka, dad kamid ah barakacayaasha ayaa ku biiray qaraamadooda oo ku nool goobaha barakaca qaarna guryahooda ayey dib ugu soo laabtayn. Inta badan way ka cararayn hantidooda wax dhaqaala ah na maheystaan.

Degaaladani, kuwasoo bilaawday 16da Maarso, ayaa dhamaadey in xaaladan ay sii dageysay sida lagasoo wariyay agagaarka magaalada Janaale, belet dhul-beereed fican ah kuna taalo 75 kilomitar koonfurta Mogadishu. Magaaladan waxaa kunool dad tiradooda dhantahay 28,000 qof, Waxey hoos iman jirtahay Al Shabaab, hadda ciidan xooga Somaalia ayaa la wareegay magaaladan iyagoo taageero ka helayay kooxaha amniga ay caalamiga.

Warbixinta haayaddaha samafalka aya sheegayo in dalka u barkacay Marka, Afgooye iyo Mogadishu ay kafaaideysanayaan adeegyada horay u jiray oo kamid yihiin; caafimaad, nafaqo iyo biyaha iyo fayadhoorka. Bale, waxaa loo baahanyahay taageero dheeraad ah si wax looga qabto baahida jirta. Wareesi degdeg ah oo qabtayn haayado degaanka laga leeyahay ayaa talabixin ahaan sheegau in la bixiyo agabka aan cunada ahayn, lacagaha aan sharuuda lahayn, iyo agabka lagu xakameeyo daacuunka marka roobabka Apriil bilaawdaan.

URL:

La dejiyay:

Somalia

Warbixinta Xaaladda
Warbixin dheer
Deeqahaan waxey taakuleynayaan falcelin noolal badbaadin ah. Sawir:  SOYDA
Deeqahaan waxey taakuleynayaan falcelin noolal badbaadin ah. Sawir: SOYDA

Sanduuqa bini’aadamnimo ee Somaalia (SHF) ayaa u qoondeeysay Somaalia 22 malyan doolar mareekanka, waxa loo baahanyahay deeqa dheerad si loola ilaaliyo ka falcelinta badbaadada noolasha

Sanduuqa bini’aadamnimo ee Somaalia (SHF) ayaa ku baaqday is lasoo dhiibtay codsiyada lagu doonayo deeqaha ay iskaashata u qalma qeybaha ugu horeeya ay lacagaha la qoondooyay 22 malysan doolarka mareykanka- oo loogu talagalay in ay taageeraan arimaha laha xariira badbaadada noolasha meelaha ay ka jiraan; nafaqa darida xun, cunno la’aanta, qatartka magangalysda iyo caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ah. Deeqaha SHF waxey mudnaanta siin doonaa degaanada an wali la caawin kuwa in la gaaro adagtahay,iyadoo lakaashanayo daalada kooxaha iskaashiga iyo barnaamijyada is dhaxgalka,

qoondaynta la dhameeyay kahor inta aanan lagu dhawaaqin xauuunka Covid-19 balse hada iskaashada bini’aadamnimo waxa la siinayaa fursad ay wax oo badly kaaraan barnaamijkooda, iyagoo ka falcelinayo arimaha degdega ah oo hadda jiraan.

Saddex meelood hal kamid ah deeqda $22 malyan aa loo isticmaali doonaa in looga jawaabo barnaamijyada isku dhafan, inta badan goobaha barakaca, lacagaha harayna waxaa loo isticmaali doonaa taageerada qaaska ah ee kooxaha iskaashiga ka fuliyaan dalka.  Howlaha mudnaanta la siin doona waxa kamid ah, cunnada, amaan darida, sarra u qaadida adeega caafimaad iyo nafaqada iyadoo wax soo saarka beera la taageeri doona, lacagaha kuwa sharuudleh iyo kuwa aan lahayn oo la qeybin doona si dadka u helaan cunno, iyo ka hortagid nafaqo darida iyo helitaanka adeega caafimaadka aasaasiga ah.

Adeega biyaha iyo fayadhoorka loogu talagalay bulshooyinka tawarta yar oo ku nool meelaha aan wali la caawin iyo degaanada aan la gaari karin sida Gedo, Bakool, Shabellada hoose iyo Shabellada dhaxe, Nugaal, iyo gobolka Baay ayaa igana loo dhisidoonaa ama loo dayac tiri goobaha biyaha ay ka helaan iyo gooba fayadhoor ayaa la dhisi doonaa. Deeqda SHF ay loogu talagalay dugsiyada goobaha barakac ayaa wax laga badali doonaa iyadoo dugsiyada ay xiranyihiin sababtuna ay tahay xanuunka COVID-19.

Waxaa intaas dheer, badbaadinta la xiriirta khatarta ayaa sara loogu qaadi doona adeegga bixinta hoyga degdegga ah, qalabka xurmada qofka, taageerada dhanka maanka ah ee bulshada, iyo sameynta xun ay leehyihiin dadka la soo wareejiyay oo lagula kacay falal jinsiyadeed. Shakhsiyaadka aad u liita, gaar ahaan dadka naafada oo u baahan adeegyada gaar ah, ayaa iyagana taageera la siin doonaa.

Iyadoo lacagaha ey SHF wakhti hore bixineyso ey yihiin kuwo muhiim u ah si looga jawaabo barnaamijka ey xanuunka COVID-19 oo sii faafayo, taageera dhaqaala oo dheeri ah ayaa loo baahan yahay si loo bixiyo taageero baniaadnnimo oo malaayiin Soomaali ah lagu badbaadiyo sanadka2020 gaar ahaan xagga fatahaadaha iyo weerarada ayaxa saameynta ey dunida ku yeelanayaan. Tan iyo 27-dii Maarso, Qorshaha Howlaha Baniaadnimo ee sanadka 2020 ayaa helay maalgelin 9.6 boqolkiba ah ($100.2 malyan). Deeq bixin xili hora ah ayaa ka horistaagi karto in xaaladda ay sii darto bilaha soo socda ka hor roobabka Guga ee (Abriil Juun).

URL:

La dejiyay: