Somalia

Warbixinta Xaaladda
Warbixin dheer
Goobaha uu saameeyay ayaxa ,sawirka: FAO

La dagaalanka waxyeelada ayax ayaa 15 jeer ka badan ka hortaga

Cayayaanka ayaxa ayaa sameen badan ku yeeshay soomaaliya sida dalal dhowr ah oo ku yaala Geeska Afrika, iyadooy weli jirta khatar badan. Sida laga soo xigtahay hay’adda cunada iyo beeraha ee (FAO), ayaxu wuxuu ku sii faafayaa waqooyi bari ee soomaaliya waxaan jirta in isbuucyada soo socda ay noqdaan ayaxa kuwa aad usii bato wuxuuna bilaabahayo in uu fido kunafaafo dhamaan goobaha ey ku yaalan dalaga.  Waqooy-bari ee soomaaliya, dhowr jiil oo ayax ah ayaa sameeyan sidoo kale hadda iyo mustaqabalka la filayaa in ey ukumo sii dhigaan taaso soo laba jibaarmi doonto xilga roobabka oo bilaaban doono bilaha Abriil iyo Juun.

Inkastoo ayax uu si dhaqso leh kor ugu kacyo hadan xilkan sameenta uu ku leeyahay dalaga ayaa ah mid kooban taaso ilaa iyo had la xadidahay.Marka laga hadlayo dhul beeratka , inta badan dalagyadii ayaa hore loo goostay ama waxaa ahaat mid aad uyare qasaaraha. Goobaha xoola-dhaqatada ee daaqa ayaa aad ugu sareeyay celcelis ahaan dhul beeradka, kadib roobabkii xiliga deyrta ee bishii 10aad ilaa 12aad oo aad u badnaa, kuwaas oo gacan ka geystay dib u dhigida waxyeelooyinka ayax ee dhul beeradka.

Roobabka la saadalinahayo inta u dhaxeeso bilaha Abriil iyo Juun

Saadaasha Roobabka guga ee sanadka 2020, ayaa muujinaya suurtagalnimada roobab xoog badan in uu ka da,a qeebo badan oo soomaaliya.Roobabka guga waxaa la rajeynayaa inay ka faaidestaan dhulka daaqsimeedyo isla markaana ay taageeraan howlaha dhul beeradka. Si kastaba ha noqotee, waxaa jiro doona kooxa cusub oo ayax kasoo sameenahayo taran iyo sii faafinta ayax. Khasaaraha ayaa laga filaa dhul daaqa oo biyuhu ku badan yihiin, in kasta oo roobabka bilaha soo socda ay u muuqdaan inay sameen badan ku keeni doonin. Waxaa inta dheer, haddii ayax sii bataan, saameynta bilowga ah ayaa si weyn hoos loogu dhigi doono dalaga.

Baritaanka hay’adda cunada iyo beeraha ee FAO waxay muujineysaa in saameynta ugu weyn ee cuna yarida aay dareemi doonaan qoysaska ku nool meelaha ay waxyeelado eey ugeestaan, gaar ahaan kuwa ku tiirsan abuurka oo durba la soo deristay cunno yarida daran (Wejiga 2aad ee IPC) sababtuna tahay nuglaansho yari iyo saameynta khasaaraha dalaga. 27 bisha Febraayo, FAO iyo Dowladda Soomaaliya ayaa sii daayay “Qorshaha Waxka qabashada Dhibaatada ayax ee  Soomaaliya kasoo loo baahanyahay 32.2 milyan oo doolar si loo meelmariyo ilaa bishaa Julaay 2020. Codsigaasi ayaa la rajeendoona in eey caawiso xoola dhaqtada iyo beeraleeda.

Falcelinta gobolka ee sameenta ayaxa

Hay’adda beeraha iyo xoolaha ee FAO ayaa waxay qaadatay qorshe jawaabcelin gobollada waxyeelada ayax  isla markan si  deg deg ah loo ku baahanyahay 138 milyan  oo doolar si ay uga jawaabto dalalka sida itoobiya, Soomaaliya, Kenya, Jabuuti, Ereteriya, Koonfurta Suudaan, Ugaandha iyo Tansaaniya. Sida Soomaaliya, todobad dal ee kale waxay soo mareen faafitaan  baahsan. FAO waxay si degdeg ah ugu baahan tahay lacagta si ay uga caawiso dawladaha kuwaasi oo kor uqaadi doono  xakameynta si loo yareeyo waxyeelada ba'an ee ayax sida ugu dhaqsaha badan.

Lacagta loo baahan yahay waxay dabooli doonta in lagu xakameeyo ayax ka hore inta mid cusub eey soo laabanin. Sidkale waxay fursad siin doontaa dadka dalagyad abuuridoona ama dhul daaqasiimka taaso xil hore sameesa, si loo ilaaliyo qoysaskooda iyo noloshooda. Laga soo bilaabo 25 bishii febraayo, FAO waxay heshay ballanqaadyo dhan 33 milyan oo doolar. Hay’adda cuntada aduunk ee WFP waxay ku qiyaastay qiimaha wax ka qabashada saameynta ayax ku yeeshay cuntada oo keliya in ugu yaraan 15 jeer ka sareeyo qiimaha looga hortagayo faafitaanka hadda.

Ayax ayaa   waxaa loo arkaa cayayaanka ugu halista badan adduunka. Dhul ballaaran oo hal kiiloomitir oo laba jibaaran ayaa cuni karaan kasoo udhigma dalagyada quudan kara 35,000 qof muddo sannadk oo dhan. Faafinta hada ka jira soomaliya waa tii ugu xumeyda mudo 25 sano ah. 2 i Febraayo, Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku dhawaaqday xaalad deg deg oo ku aadan waxyeelada dalaga ee ayax ugeestahay.

URL:

La dejiyay: