Somalia

Warbixinta Xaaladda
Warbixin dheer
Article 2
Warbixinta Guud ee Xaaladda Amni Darada Cunada ee Soomaaliya (Jan-Mar 2020). Xigasho: FAO

4.1 malyan oo qof ayaa wajhaayo cunni yari- qiimeyn

Inkastoo dalaga oo heer dhexdhexaad ah ka sareeyo, xoolahana ay heleen daq iyo roobab Deyr ah xiligii (Oktoobar-Diseembar), waxaa hadana qoyaas ahaan 4.1 malyan oo qof oo Soomaaliya ku sugan ey wajahayaan cunni yari. Tiradaan, 1.3 malyan oo qof ayaa la filayaa iney wajahaan cunni yari heer sara ah (IPC Phase 3) haddii gargaar baaniaadanimo aan lala gaarin bisha Janaayo ilaa Juun 2020. 2.8 malyan oo qof ayaa sidoo kale helitaanka cunada ey ku adkaan doontaa (IPC Phase 2) iyagoo sidaas darted u baahnaan doono in noolal maalmeedka laga taageero. Xaladahaan ay lagu muujiyay qiimeyntii uugu dambeysay ee Amniga Cunada iyo Xaladda Nafaqada ee Soomaaliya (FSNAU), Nidaamka Digniinta Wakhtiga hore ee Xaaladda Abaaraha ee (FEWS NET) iyo iskaashata kale.  

Nafaqa daro heer sara ah ayaa ka jirto guud ahaan Soomaaliya, sida ay muujiyeen natiijooyin oo 48 xoog uruurin oo kala duwan ka soo baxday xiligii qiimeynta ey socotay ee bilaha Noofeembar iyo Diseembar sanadka 2019. Tani waxaa waxaa loo sababayaa nugeylka xanuunada oo sareeyo, talaalka oo yar iyo kordhinta nafaqada Fitamiin-A, daryeel xumo iyo xunni yari. Heerka qaran, heerka cabirka nafaqa darada daran ee (GAM) Deyrtii 2019 waxey eheed 13.1 boqolkiba, taas oo muujineysa xaalad adag oo jogta eheed marka loo barbar dhigo xiligii deryta ee 2018 taasoo eheed (12.6 per cent).

Daaweyn deg deg ah iyo taageero nafaqeyn ah ayey u baahan yihiin ku dhawaad 963,000 oo ah acaruur 5 sano jir ka hooseyso (culeyska guud ee nafaqa darada daran), kuwaas ooy suuragal tahay iney wajahaan nafaqa daro baahsan ilaa bisha Diseembar 2020, iyadooy ka mid yihiin 162,000 oo laga yaabo iney yihiin kuwa aad nafaqa daro ul ail daran.

Gargaarka baniaadanimo wuxuu ka hortagyaa xaaladda oo kasii darto

Gargaar baniaadanimo oo joogta ah ayaa haatan ka hortagaayo in xaalado adag oo baniaadanimo ay ka dhacaan qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan. Laakiin, dhanka amniga cunada waxaa la filayaa in xaaladda ay kasii darto inta u dhaxeyso bilaha Abriil ilaa Juun 2020 gaar ahaan goobaha qaar oo dakhliga cunada noolalmaalemeedka uu aad uuga hooseeyo heerka nafaqada iyo cunada qofka jiirkiisu loogu talagalay. Ka hor roobkii xili roobeedkii Deyrta ee 2019, qoysas badan oo faqri ah oo ku nool bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya ayaa weli waxey kasoo kabanaayeen cunada iyo dakhligooda oo ka lumay xiligii abarihii darnaa ee 2016/2017 iyo 2018/2019. Waxaa intaas dheer, ugu yaraan 2.6 malyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa waxaa barakiciyey iskahorimmadyo, abaaro, fatahaado iyo waxyaaba kale.

Ilaa 11 xero oo dadka barakacayaasha ah ayaa la dareemay in ey gaareen heerka musiibada ah ee (IPC Phase 3) ama mid aad u liidato ee (IPC Phase 2) iyado weli ey heystaan gargaar baniaadanimo. Inta abdan goobaha magaalooyinka ah, natiijooyinka qiimeynta amniga cunada wuxuu ahaa (IPC Phase 2) ama kan uugu hooeseeya (IPC Phase 1). Qoyasaska ku nool magaalada Burco (Togdhdeer) iyo Kismaayo (Lower Juba) waxaa wajaha gaabis xagga cunada maalinlaha ah waxaana lagu qiyaasaa heerka xaaladda musiiba ahaan uugu daran ee (IPC Phase 3), sicir barar xagga noolal maalmeedka iyo fursadaha dakhliga oo aad u yari awadood.

Saadasha hawada waxey muujineysaa in la rajeynaayo roobab caadi ah ama ka badan heerka caadiga guud ahaan dalka Soomaaliya xiliga roobabka Gu’a ee bilaha Maarso-Maayo inta u dhaxeyso, taas oo sababi karto in helitaanka biyaha iyo daaqa ay sara u kacaan, beeridda abuurka, tayada xoolaha iyo helitaanka shaqooyin xagga beeraha ah. Hasayeeshe, roobab xoog leh ayaa sababi karo fatahaado iyo wax soo saarka beraha oo Khalkhal galo iyo ganacasiga gaar ahaan dhulka joogiisu hooseeyo. Waxey sidoo kale sii horseedi kartaa faafitaanka ayaxa, taasoo caqab ku noqon karto amniga cunada.

URL:

La dejiyay: