Somalia

Warbixinta Xaaladda
Jawaabaha xaaladaha deg deg ah
Article 3
Ayax weeraray tuulada Chidhi, gobolka Sanaag, Xigasho/ FAO

Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ayaxu yahay musiibo qaran

Ayaxa ayaa ku faafay qeyba badan oo ka tirsan Soomaaliya, taasoo sababtay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqdo inuu yahay musiibo qaran 2-dii bisha Febraayo. Ayaxa oo ah kii uugu darnaa 25-tii sanoo la soo dhaafay, wuxuu khatar weyn ku yahay xaaladda amniga cunada oo markii horeba eheyd mid hooseysa. Sida ay sgeetgay dowladda, heerka ayaxu uu ku faafaayo dowladda ma xakameyn karto. Bishii Diseembar, qeybtii uugu horeysay ee ayaxu wuxuu saameeyay ilaa 100,000 oo hektar oo dhul beereed iyo daaq ah guud ahaan Soomaaliya.

FAO waxey qiyaaseysaa in ka dib faafitaanka weerarka ayaxa ee gudaha Soomaaliya, ilaa 180,000 haktar oo daaq iyo dhulbeereed ahayaa u baahan in la badbaadiyo iyadooy ka mid yihiin dhulka miyiga ah oo aan la gaari karin. Guud ahaan dalka, khatarta ayaxa uu ku haayo daaqa iyo dalagga ayaa ah mid aad u sareyso, maadaama dhulka uu saameeyay uu sii balaaranaayo, iyadoo uu ayaxa ukumo sii dhalaayo kuwaas oo kooxa badan sii kubcinaayo.

Goobaha uu ayaxu aad u sameeyay waxaa ka mid ah Somaliland, Puntland iyo Galmudug. Warbixinada hordhaca ah ee deegaanada waxey muujineysaa iyo qoysas ku sugan Belet Weyne, Luuq, Baardheere, Garbahaarey, Belet Xaawo, Doolow, Ceel Barde, Xudur, Waajid, Rab Dhuure, Buur Hakaba iyo Qansax Dheere (gobolada Hiraan, Galgaduud, Bakool iyo Bay) ay yihiin kuwa uu aad u saameeyay ayaxa.

Xaaladihii uugu dambeeyay ee hawada Afrikada Bari oo Soomaaliya ay ku jirto waxey sababeen xaalada uu ku kubci karo ayaxa. Haddii aan lala tacaalin, ayaxu – waxaa adkaan doonto xakameyntiisa mustaqbalka isagoo laga yaabo inuu malaayiin noqdo. Ayaxu wuxuu socon karaa 150 km maalinki, isagoo baabinaayo noolal maalmeedka si uu dhirta u cuno uuna u sii faafo. Ayaxu wuxuu miisaankiisa ku kordhismaa ilaa laba garaam oo cunta oo cuni karo maalin walba waxaana loo aqoonsan yahay cayayaanka uugu faafitaanka badan aduunka. Koox yar oo ayax ah oo gaari karo ilaa 1 kiilomitar oo wareeg ah waxey cuni kartaa qiyas ahaan cunta ku filan ilaa 35,000 oo qof hal maalin.

"Iyadoo la eegaayo xaaladda daran ee ayaxaan, waa inaan dadaaladeena gelinaa amniga cunada iyo noolal maalmeedka dadka Soomaalida," ayuu yiri wasiirka Beeraha, Hussein said. "Haddii aan hadda talaaba qaadin, waxaan khatar uugu jirnaa cunni yari baahsan oon ka soo kaban karin."

FAO waxey haatan wadaa qiimeynta khasaarahaas waxeyna dowladda ka caawineysaa dadaalo kala duwan oo lagu xakameeyo xaaladda, iyo saameynta amniga cunada iyo noolal maalmeedka. Deeq degdeg ah ayaa loo baahan yahay si loo hubiyo in talaabada loo baahan yahay in la qaadi karo ka hor roobabka Gu’a oo bilaaban doono Maarso or Abriil.

Iyadoo la eegaayo xaaladda jirta iyo faafitaanka ayaxa, Iskuduwaha Arimaha Xaaladaha Degdegga ah wuxuu  6-da Febraayo qoondeeyay deeq US$10 mialyan oo laga bixiyay Deeqda Dhexe ee ka Jawaabidda Xaaladaha Degdegga ee (CERF) taas oo la siiyay FAO si loo xakameeyo ayaxa ka dilaacay Geeska Afrika (Soomaaliya, Keenya, Etobiya), loogana hortago saameyntiisa daaqa iyo dalagga beeraha oo sababi karo khasaara xagga amniga cunada iyo badqabka noolal maalmeedka deegaanada miyiga.

URL:

La dejiyay: